Madaxweynaha Jamhuuriyadda S/land oo Qaabiley Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda ee Dalka Zambia.[Masawiro]

April 6, 2021 - Written by Editor

Hargeysa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda Ee Dalka Zambia.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo safar shaqo ku yimid Dalka.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka iyo halka uu maanta marayo oo ah mid ku timid iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, waxa kale oo uu u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland, inay tahay dal 1960-kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, si xoriyad ahna ula midoobay Jamhuuriyaddii la isku odhan jiray Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray, si loo abuuro Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin shucuubta Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika, balse midawgaasi uu socon waayey, Somalilandna ay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midawgii la doonayey in Soomaali odhan la mideeyaana uu fashilmay, sidaa awgeedna Somaliland waxay dib ula laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas oo macneheedu aanu ahayn gobol ka go’aya dalka intiisi kale, balse ay tahay laba dal oo la kala noqday xornimadoodii.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Zambia, taariikhda ay labada dal wadaagaan oo kasoo bilaabantay xilligii gumaysiga, taasoo keentay in dadka reer Somaliland ay ilaa maanta degganyihiin kuna dhaqan yihiin dalkaasi.

Xidhiidhka labada dalna aanu cusbayn ee uu hore Somaliland laba jeer u yimi madaxweynihii hore ee
dalka Zambia, Kenneth Kaunda oo xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland.Waxa kaloo kulanka lagaga wada hadlay xidhiidh cusub oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia, salkana ku haya ganacsi iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan labada dal.

Sidoo kale, intii kulanku socday waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne ee labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia, mudane Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xidhiidhka iyo danaha labada dal.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku doo dhammaaday isfahan iyo xidhiidh wadashaqayneed oo labada dal ay dardar-gelintiisa ka wadashaqayn doonaan

.ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online