Maxkamada Darajada 1aad ee Gaalkacyo oo la soo taagay xubno ka tirsan amniyaadka Al-shabaab.[Masawiro]

April 28, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo: – Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sidda iyo danbiyada culus ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa maanta waxaa ay u fariisatey dhageysi dacwada loo heysto ilaa 9 eedeysane oo ka tirsan amnyaadla Al-shabaab oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Eedeysanyaashaa ka tirsan amniyaadka Al-shabaab oo la hor keenay Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa ku eedysan in mudo 13 sano ah ay dileen haldoorki magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Maxkamadda G/Saree Cabdulaahi Cabdi Shire ayaa codsaday in dib loo celiyo dhagaysiga dacwada ilaa 5 eedeysane oo loo haysto in ay ahaayeen Madaxdii dilalka iyo qaraxyada ee amniyaadka Al-shabaab si dhaqso badana loo soo gabagabeeyo Maxkamadayntooda.

5 Eedeysane ee ku eedaysan Madaxda dilalka yo Qaraxyada amniyaadka Al-shabaab ayaa waxaa ay kala yihiin:-
1.Cabdiqadir Umul

2. Amiir Maxamed Jeeri

3.Qaasim Al-Turaabi.

4.Abayle

5. Maxamud Abu Dayib

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.