Puntland iyo Jubbaland oo beeniyay inuu fashilmay Shirkii arrimaha doorashada ee ka socday Muqdisho.

April 7, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo shirjaraa,id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa beeniyey  in uu fashilmay shirkii arrimaha doorashada ee ka socday magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in lagu balamay in shir kale la isugu yimaado oo dhinacyadu aadaan wadatashi dhexdooda ah dibna la isigu soo laabto.

Wasiirka warfaafinta Puntland  Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa Yiri ”Waxay nala noqotay wax la yaableh markii wasiirka warfaafinta dowladda muddo xilleedkeedu dhamaaday uu sheegay in shirku fashilmay, balse waxaan doonaynaa inaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegno in uusan shirku fashilmin,”

Puntland iyo Jubbaland waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in la heshiiyo oo dalka uu doorasho aado waxay ku eedeeyeen in uu fashilinayo shir walba oo is afgarad ku dhawaada.

Halgan.net

M_M Deeq

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online