Puntland oo ka qayb galaysa Shirka wadatashiga arrimaha doorashada ee Sabtiga ka furmaya Muqdisho

April 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.

Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.
M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.