Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusee Rooble oo shir guddoomiyay shirkii Golaha Wasiirrada XFS

April 1, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale.

Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,102 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>