Wareysi: Waare oo sharxaya sababta heshiiska 17-ka September uu caqabad u noqday.[Dhagayso]

April 28, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu maalinta Sabtida ah ee soo socota hortagayo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka si uu u weydiisto inay dib usoo celiyaan heshiiskii 17-kii September, waxaana uu shir ugu baaqay saxiixayaasha heshiiskaas.

Haddii Aqalka Hoose ansixyo codsiga madaxweynaha, waxay taasi meesha ka saaraysaa muddo kororsigii labada sano ahaa.

Beesha caalamka iyo mucaaradka dawladda ayaa tan iyo intii Aqalka Hoose muddo kororsiga uu sameeyey waxay sii xoojiyeen baaqyadooda ku aaddan in lagu laabto heshiiska 17-kii September.

Haddaba maxaa heshiiskaasi horey ugu fuli waayey? Maxay yihiin caqabada keenay inay burbruraan wada-hadalladii ku saabsanaa doorashada ee u dhexeeyey madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada?

Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii aasaaska u ahaa heshiisyadii Dhuusamareeb ee markii dambena isku beddelay heshiiskii 17-kii September – waa madaxweynihii hore ee maamul goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

(Waxaa naga xusuusin ah in waraysigan la qaaday ka hor isbeddeladdii shalay ka dhacay Soomaaliya).

VOA

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online