Wasiirka amniga iyo Maaliyada Puntland oo kormeer shaqo ku tegay xarumaha dowladda ee Gaalkacyo.[Video/Masawiro]

April 11, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Dowladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Kormeerkan shaqo Wasiiradda waxaa ku weheliyay Guddoomiyaha gobolka Mudug Sanyare Muuse Nuur, Duqa degmada Gaalkacyo Eng. Maxamuud Cabdi iyo Taliyaha qaybta Booliska gobolka G/Sare Muumin Cabdi Shire.

Xarumaha ay Madaxdu kormeereen waxaa ka mid ahaa dhismaha xarunta gobolka oo ay ka socoto soo afmeerida dhismaha gobolka, Taliska qeybta iyo xarunta degmada, waxaana ay dhagax dhigeen labo waddo oo laami ah kuwaasi oo laga hirgelin doono magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa soo dhex maray wadooyinka waawayn ee magaalada si ay wax badan uga ogaadaan xaalada guud ee gobolka gaar ahaan dhanka Amniga, waxana uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online