Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

April 10, 2021 - Written by Editor

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya, Dr. Mohamed Ayoya.

Mudane Balal Cusmaan ayaa u caddeeyay sida uu diyaar ugu yahay fududeynta howlaha UNICEF ay ka fulinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo loo marayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNICEF ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay inuu wakiil uga noqday hey’addiisa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono xoojinta wadashaqaynta iyo howlaha isku duwidda ee kala dhexeysa xukuumadda federaalka si wax looga qabto xaaladaha bini’aadanimo, loona hirgeliyo barnaamijyada adeegga bulshada ee ku suntan dhallaanka, hooyada, waxbarashada iyo caafimaadka.

—— Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online