Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Qatar.[Masawiro]

May 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dowladda Qatar. Wafdiga waxaa hogaaminaayay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Ergeyga dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani kaga mahad celiyay booqasho sharafeedka uu ugu yimid.

Kulanka waxaa guddoomiyaha ku wehlinaayay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS mudane C/kariim Xaaji Cabdi (Buux).

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online