Gudomiyaha Gobolka Mudug oo iska fogeeyey eed uga timid odayaal ka hadlay Muqdisho.[Video]

May 2, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladhiif Muuse Nuur Yare ayaa Waxaa ka jawaabay eedo uga yimid qaar ka mid ah odayaasha beesha Xawaadle ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya kuwaas oo ku eedayay Gudoomiyaha in xubin u xiran ka tirsanaa amniyaadka al-shabaab uu ugu xiran yahay gurigiisa.
Gudomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Yare ayaa yiri ” Waxaan beeninayaa oo waxba kama jiraan ku tilmaamayaa hadalka ka soo yeeray odoyaal reer Hiiraan ah oo igu eedeeyey in aan anigu gurigayga ku xirtay hantidiisiina dhacay, Dambiile Ex-Alshabaab Maxamed Xaashi Ashkir magaciisa afgarashadu ahaa (abu dayib) oo ay saaka maxkamada Ciidamadi ku xukuntay dil toogasho ka dib markii uu qirtay dambigiisa.

Hooos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Gudomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladhiif Muuse Nuur Yare

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,889 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>