Madaxweynaha DFS Farmaajo oo uga warbixiyey Golaha shacabka Arrimaha Doorashooyinka iyo Xaalada Dalka

May 1, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey fadhi gaar ah oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeesheen ayaa uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna ka codsaday in loo noqdo heshiiskii 17-ka Sebteembar ee hagaya hannaanka doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii muuqday ee dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa horu-socodka dalka, iyada oo mudnaanta la siinayo in midnimo iyo wadajirka lagu xaqiijiyo geedi socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Dowladda waxaa ka go’nayd in dalku uu galo doorasho degdeg ah oo waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo 2021. Haseyeeshee, waxaan ka gudbi weynay caqabado gacan-ku-rimis ah oo laga lahaa ujeeddooyin gaar ah iyo dano gurracan.”

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta, hirgelinta doorashada iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon.

“Waxaan Ra’iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxiixeyaasha heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee kasoo baxay shirkii Baydhabo ee16-kii Febraayo 2021. Sidaa daraadeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hortaalla.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dhiirri-geliyaan nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, lana garab istaago Ciidamadeenna Qalabka Sida,isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in ay ka shaqeeyaan danta guud, kana waantoobaan kicinta dadweynah iyo ficil kasta oo amniga ka dhan ah.

—-DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online