Madaxweyne JFS oo mas’uuliyadda doorashada iyo amniga ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble.[Video]

May 1, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweyne JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo oo saaka hor yimid Golaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilkiisu dhamaaday ayaa waxaa uu ka akhriyey khudbada dhinac yo badan taabanaysa gaar ahaa amniga caasimada , khilaaf doorashada iyo weilba heshiisyo la gaaray oo socon waayey.

Madaxweyne JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa golaha shacabka ka codsaday in laga noqdo heshiiskii mudo kordhinta ee Golaha shacabka u sameeyey madaxweynaha iyo golayaasha dowladda dibna loogu laabto doorashadii dadbanayd ee 17 September ee ay kuwa heshiiyeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboledyada ka dibna ay ansixiyeeyn Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa si rasmi ah waxaa uu u sheegay in Amniga Doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey in dalku laabto doorasho uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September, waxaana haa ugu codeysay 140 xildhibaan oo goob joog ahaa kulanka.


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online