Ra’isul wasaare Rooble oo isugu yeeray shir Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

May 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir wadatashiga arimaha doorashooyinka ugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo gobolka banaadir 20ka May si ay uga arinsadaan hirgalinta heshiiskii 17September ee ay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir isku afgarteen sanadkii hore.

War-saxaafadeed uu akhriyay Afayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimoo ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayo madaxda shirka ku casuuman in ay yimaadaan 20ka ka hor si shirka uu u furmo maalinka loo asteeyay oo khamiis ah.

Sababta muddadaas dib loogu dhigay ayuu Macalimuu ku sheegay in la isla gartay in waddaca keddib uu shirka noqdo maaddaama lagu jiro tobankii danbe ee Ramadaanka, sidoo kalena ay ku xigi doonto ciiddii iyo maalmihii Waddaca.


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online