Al-shabaab oo weeraray deegaanka Wisil ee Gal-Mudug

June 27, 2021 - Written by Editor

Wisil:-Wararka ka imaanaya deegaanka Wisil ee hoos tagay maamulka Gal-mudug ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab waxaan weerarkooda ay la bartilmaamsadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamad Al-shabaab ayaa ku weeraray gaari uu ka buuxo walxa qarxa xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug ka dibna waxaa halkaas ka bilowday dagaal toos ah iyadoo labada dhinac ay soo kala gaareen khsaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliska Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa laga soo xigtay in ay iska caabiyeen weerar alshabaab ay ku soo qaadeen saldhigooda welina uu dagaalku soco dibna ay saxaafadda ula wadaagi doonaa khasaarihi ka dhashay weerarka.

Weerarka saaka ay ku soo qaadeen Al-shabaab xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, ayaa ku soo beegmay xili saaka 18 ka tirsan amniyaadka Al-shabaab lagu toogtay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online