Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL.

June 22, 2021 - Written by Editor

Garoowe: June 21, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 4 Guddi oo kala ah:-

1. Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL
2. Guddiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada DPL
3. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL
4. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL.

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog-ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

Intaa ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyey Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland, iyadoo lagu wareejiyey guddiga dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah si ugu sameeyaan akhrinta labaad.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online