Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Qusulka Itoobiya u fadhiya Puntland oo gaaray Gaalkacyo.[Video/Masawiro]

June 22, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo uu wehlinayaan Safiirka Dalka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya Cabdufataax Cabdulaahi Xasan, Qusulka Itoobiya ufadhiya Puntland, Agaasimaha Wasaarada Duulista iyo Hawada, Ganacsato iyo Duqa Degmada ayaa soo gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku soodhaweeyey Wafdiga Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka, Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Agaasimaha Warfaafinta Gobolka, Gudoomiye kuxigeenka Degmada iyo Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada.

Wafdigan ay Ugu horeeyaan Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Safiirka Dalka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyey Laamiga ay ku ordaan Diyaaradaha ka kicitama Garoonka iyo kuwa soodagaya si ay uga soo dagaan garoonka Diyaarada Ethiopia Airline iyo Diyaaradaha Ganacsatada Itoobiya si loo fuliyo Heshiiska Ganacsi horay uwada galeen Xukuumada Puntland iyo Dalka Itoobiya.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA
MAAMULKA GOBOLKA MUDUG

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online