Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo shir Jaraa’id kaga hadlay toogashadii lugu fuliyey 18-ka tirsan Al-shabaab.[Video]
June 27, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Abdiladif Musse Nuur (sanyare) ayaa goor dhaweyd waxaa uu Shir jaraa,id ku qabtay magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaga hadlay xukun dil ah oo saaka ay Maxkamada ciidamad Puntland ee Mudug iyo Cayn ku fuliyeen 21 xubnood oo ka tirsan amniyaad Al-shabaab oo 18 ka mid ah lagu toogtay Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Abdiladif Musse Nuur ayaa yiri.” Waxaan ku fulinay Xukunkii Maxkamadeed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu waynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee mudada 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan darida ah ku laynayey Bulshada Magaalada Gaalkacyo.
M_M_Deeq
Halgan.net