Madaxweynaha Jubaland oo ka qeyb galay dhaarinta Golaha Wasiirada Jubaland.

June 3, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay Munaasabada dhaarinta Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweynahu magacaabay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha Dowlada iyo Dowlad wanaaga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadahii hore iyo qaab dhismeedka Dowliga ah lagu jaangooyay hanaan dib u heshiisineed kaas oo la doonayo in hada wixii ka danbeeya looga guuro hanaanka dib u qaabaynta Hay’ado xoog badan oo shacabka u adeega.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in burburka dalka ka jira saamayntiisa ay ka jirto meelo badan oo Jubaland ay kamid tahay isla markana qabyaaladu ay wax walba ka horayso lagagana kalsooni badan yahay danta guud.

Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xukuumada Cusub uu horyaalo waajibaad culus oo looga baahan yahay Wasaarada walba inay shaqada u taala oo kaliyah ay xooga saarto.

———DHAMMAAAD——

Comments are closed.

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online