Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatayGuddiga dib u habeynta nidaamka Warbaahinta
June 14, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Guddiga dib u habeynta nidaamka Warbaahinta Dowladda Puntland oo ka kooban khuburo Warbaahineed.
Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay guddiga warbixin ku saabsan dib u habeynta warbaahinta Dowladda iyo talo-soojeedintooda la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa hannaanka Warbaahineed ee Dowladda Puntland.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade iyo Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdisalaam Siciid Faarax.
————DHAMMAAD———
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND