Madaxweynaha Puntland oo maanta iska diiwaangeliyey xaafada Kaambo ee degmada Qardho,

June 1, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka iska diiwaangeliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada.

Wuxuuna ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Dowladda ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo hadda guuleystay, wuxuu ka mid ahaa yoolashii uu ballan qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Bulshada Puntland ayaana aad usoo dhoweysay in laga dhabeeyay nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod.

—–DHAMMAAD —-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online