Madaxweynaha dowladda Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo James Swan [Video/Masawiro]

June 9, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online