Puntland oo saaka toogatay 21 ka tirsan amniyaadka Al-shabaab.[Video]

June 27, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Waxaa saa saaka xukun dil toogasho ah lagu fuliyey xubno ka tirsan amniyaadka Al-shabaab oo tiradoodu gaarayso ilaa 21 xubnood oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

18 ka mid ah xubnaha amniyaadka al-shabaab ayaa lagu toogtay magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halka ,2 kale lgu toogtay Garoowe mid kalena lagu toogtay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

18-ka xubnood ee saaka lagu toogtay magaalafa Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug ayaa waxaaa ka mid ahaa Madaxdii ugu saraysay ee amniyaadka Al-shabaab ee ka howl geli jirtay magaalada Gaalkacyo waxaa ka mid ah xubnahaaas.

  1. Maxamed Xaashi, Amiirka ugu sareeyay ee amniyaadka Al-shabaab ee Gaalkacyo
  2. C/qaadir Ummal, Amiir Ku xigeenka koowaad ee amniyaadka Al-shabaab ee Gaalkacyo
  3. Maxamed Cali Cuuke Jeeri, Amiir Ku xigeenka Labaad ee amniyaadka Al-shabaab ee Gaalkacyo

Xubnaha amiyaadka ee dilka lagu fuliyey saaka ayaa waxaa xukumo kale duwan oo dhamantood ah aa dil ku xukumy Maxakamadaha darajada 1aad iyo 2aad ee Ciidmaada Puntland ka dib markii ay ku cadaaday in ay dilala iyo qaraxyo kale duwan ku laayeen haldoorkii Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo ay ku dileen dad aad u fara badan oo ka mid ah masuuliyin dowladeed , saraakiil ciidan , nabadoodo ,wariyaal

Xukunka ay fulisay Maxkamada Ciidamada Gobolka Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa ah xukunkii ugu horeeyey oo tiro intaas le’eg oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab lagu fuliyo dil toogasho ah. Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi shire ayaa ku goodiyey in qof walba oo lagu hello in uu ka tiran yahay amniyaadka al-shabaab ay cadaalada marsiin doonaa waxaan uu bogaadyey Askartii fulisay toogashada. Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi shire ayaa u digay cid walba oo la shaqaysa ururka Al-shabaab nooc ay rabaan ha ahaadaane isagoona si gaar ah ugu digay ragga ka tirsan odayaasha iyo ganacsato ku eedaysan la shaqaynta ururka Al-shabaab ka dib markii ay baqdin galiyeen. Dhinac kale ma jiro ilaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxad ururka Al-shabaab oo ku saabsan xubno ka tirsan amniyaadkooda oo saaka lagu kala toogtay Gaalkacyo , Garoowe iyo Qardho

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online