Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ka dhacay Gaalkacyo.[Video/Masawiro]

June 2, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Waxaa maanta lagu qabtey shirka Amniga Gobolka Mudug oo isbuucle ah,waxaana kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahna Gudoomiyaha guddiga Amniga Gobolka,Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Gobolka,Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolka ee Racfaanka iyo Darajada 1aad iyo Duqa magaalada Gaalkacyo.

Waxaa shirka la iskula wadaagay xaaladihii u danbeeyey ee ka soo cusboonaaday guud ahaan amaanka Gobolka Mudug iyadoona amaro lagu xoojinayo Amniga Gobolka maadaama ay bilaabanayso Doorashada Xildhibaanada DFS in Musharaxiinta tartamaysa aysan la imaan karin Gobolka Mudug baabuurta gaashaaman ee ciidanka, taas bedelkeedana dowladu ugu talo gashay hanaan gaar u ah in lagu sugayo Amnigooda.

Qodobadda kale oo shirka la iskula meel dhigay waxaa ka mid ah inay si toosa u bilaabatay diiwaangalinta gaadiidka taas oo qayb ka qaadanaysa Amniga iyo inaanay dib usoo laaban shaqaaqadii ka dhacday Saldhiga Degmada Bursaalax oo ay baaritaano iyo dabagal ku wado dowladu tilaabo sharci ahna laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda arintaas oo kale.

Taliska Ciidanka Gobolka Mudug
Gaalkacyo,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online