Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaarad Waxbarshada Puntland oo gaaray Degmada Caluula.[Masawiro]

June 2, 2021 - Written by Editor

Gardafuu:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka WWTS Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan ayna qayb ka yihiin Agaasimaha waaxda Mashaariicda iyo tababarada Cabdullaahi Axmed iyo la taliye Cabdiraxmaan Cadaani iyo gudoomiyaha waxbarashada gobolka Gardafuu Yusuf Saciid Yuusuf oo maalmaha safar shaqo ku marayay gobolka Gardafuu ayaa maanta gaaray magaalada madaxda gobolka Gardafuu ee Caluula.

Bulshada gobolka iyo maamulka ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirka magaalada Caluula. Ujeedka socdaalka wasiirka ayaa daarnaa kormeerka shaqada wasaaradu ka wado degmada Caluula iyo guud ahaan gobolka Gardafuu.

Soodhawayn iyo mahadnaq ka dib wasiirka ayaa kormeer ku tagay dhismaha dugsi sare oo cusub oo ay wasaaradu ka hirgalinayso degmada caluula ee gobolka Gardafuu isaga oo Warbixin ka dhagaystay hawlwadeennada wasaarada ee gobolka iyo shaqaalaha gacanta ku haya dhismaha dugsiga sare ee magaalada Caluula.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday dugsiga hoose dhexe ee magaalada Caluula isaga oo warbixin ka dhagaystay maamulka dugsiga, sidoo kale waxa uu kulan la qaatay gudiga waalidiinta dugsiga isaga oo ka dhagaystay baahiyaha dugsiga oo ay ugu horrayso dayactir. Wasiirka ayaa ugu bishaareeyay ree Caluula in wasaaradu ay dayactir ku samaynayso dugsiga hoose dhexe hadii rabi idmo.

Sidoo kale Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa booqday dayactir ay Wasaaradu ku samaynayso xafiiska gudoonka waxbarashada gobolka oo meel fiican maraya.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online