Wasiirka Amniga Dowlada Puntland “Reer Balidhidin Waa in aad Dagaalka lagula Jiro Kooxda Daacish qayb ka noqotaan”[Video]

June 29, 2021 - Written by Editor

Balidhidin:-Balidhidin Waa in Aad Dagaalka lagula Jiro Kooxda Daacish Qeyb ka Noqotaan dhamaan Ciidanku Waa Heegan Waa in la hellaa Xog dhameystiran Waa la isyaqaan Sidaas Waxaa yiri Wasiirka Amniga Dowlada Puntland Cabdisamad Maxamed Galan.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo la hadlay Reer Balidhidin Qoryahiina ayaa ugu baaqay in ay hubkooda qaataan oo cadawga Daaisha la diriraan ayna garab is taagaan Cidamada dowladda Puntland xili deegaanka ay safar shaqo ku tageen deegaanka Balidhidin Wasiirkii Amniga ,wasiirka caafimaadka ,Gudoomiayaha Gobolka Bari iyo Taliyahii Guud Ciidanka Difaaca Puntland iyo masuuliyiin kale.

Hoos ka dhagayso hadal jeedintii Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan


Wasiirka Amniga Dowlada Puntland, Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland & Sarakiil katirsan ciidamada ayaa lakulmay bulshada kunool Degmada Belli_dhidin ee gobalka bari. Iyaga oo kawada hadley xalada amni ee gobalka iyo dhamaan sidii looga qayb qaadan lahaa ka safaynta argagaxisada Daacish Buuraha Calmiskad.

Taliyaha Ciidanka Difaaca dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlaayey Dadka Reer Balidhidin ayaa yiri ”Waxaanu Qaadi doonaa Dagaal ka dhan Kooxda Argagixisada Daacish ilaa aan ka ciribtirno Joojinmayno Dagaalka.


M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online