Al-Shabaab oo 10 looga dilay weerar ay ku qaadeen garoonka Dhuusamareeb.

July 5, 2021 - Written by Editor

DHUUSAMAREEB:-Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dawladda iyo 10 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar saaka ka dhacay bar amni oo laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Dhusamareeb oo u dhaxaysa magaalada Dhuusamareenb iyo degaanka Ceel Dheere, sidaasi waxaa sheegaya dadka ku sugan Dhuusamatreeb oo la hadlay VOA.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay saaka 7-dii subaxnimo soo weerareen goobtaas oo ay ciidanku ku sugnaayeen. Dagaal socday ilaa 1 saac ayaa la sheegay inuu goobtaas ka dhacay.

Ciidanka ayaa dib u riixay Al-Shabaab, waxaana la sheegayaa inay haatan deggan tahay xaaaddu, sida ay dadka degaanku sheegeen kuwaasi oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo dhinaca amniga ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay weerar kedis ah ku qaadeen ciidaanka oo ay dileen 8 askari. Warbaahinta dawladda Soomaaliya oo soo xignaysa saraakiisha dawladdyna waxay sheegtay in maleeshiyada Al-Shabaab ee goobta lagu dlay ay gaarayaan 15.

Waa wareerkii labaad oo toddobaad gudihiisa ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanada Galmuudug.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday weerar ay sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab Axaddii hore ku qaadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkan uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.

Haaruun Macruuf ayaa wararka dagaalkan ka waraystay weriye Maxamed Cabdi Maxamed oo ka mid ah weriyayaasha ha hawlgala magaalada Dhuusamareeb.

VOA

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online