Guddiga doorashada Puntland oo doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa

July 6, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay maanta xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Puntland, waxayna doorteen guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa ku tartamay Xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka  Maamulka Puntland  Cabdikariin Muuse Maxamed,  waxa uuna ku guuleystay dhamaan codadkii xubnaha guddiga oo ahaa  11 cod.

Waxaa sidoo kale loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Puntland  waxaana isku soo tagay Ceynaanshe Yuusuf Xuseen, wuxuuna  helay 11 cod.

M_M Deeq

Halgan.net

Comments are closed.