Gudoomiyaha Gobolka Mudug “Al-shabaab ma leh qabiil iyo Ehelnimo.”[Video]

July 20, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa saaka Salaada Ciida Shacabka Magaalada Gaalkacyo kula tukaday Garoonka kubada cagtaa ee Cawaale.

Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa mar kale ku celiyey in xubnaha amniyaadka Al-shabaab aysan lahayn walaalnimo, Ehelnimo iyo qabiil cid ay gooni u u gaarsanayaan qabiil ahaan aysan jirin gobolka Mudugna cid walba oo Soomaali ah baa ku nool kuna noolaan karta.

Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa xusay in xubnaha Al-shabaab ay lagu toogtay Gobolka Mudug ay ku soo qabteen xog rasm ah ka dibna la marsiiyey laamaha garsoorka kuwii lagu hellay danbiyo dilal iyo qaraxyo la togtay halka qaar kalena la sii daayey.

Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ugu baaqay culimada Gobolka Mudug in ay xaqa cadeeyaan oo kuwa dilalka iyo qaraxyada ku laayey haldoorkii Gobolka Mudug in ay ka hadlaan oo ay iska daayaan cabsida.

Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo salaadii ciida ka dib khudbada ka jeediyey ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaa cid walba oo la shaqaysata Al-shabaab waxaaan uu u diga waalidiinta aan caruurtooda war u ahayn isagoo ku booriyey in ay caruurtooda la socdaan inta aysan gelin gacanta Ciidanka amniga haddii ay galaan oo danbi lagu qabtan aysan aysan ka daba imaan karin.

Hoos ka Daawo khudbadii Ciida ee Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online