Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya.[Masawiro]

July 17, 2021 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan Qado Sharaf ah oo ay ku casumeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa Madaxweynaha looga mahadceliyay shaqadii wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland gaar ahaan Amniga Gobolka Mudug, sidoo kale waxay masuuliyiinta munaasabadda ka qeybgalay ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen siyaasada uu ku hoggaamiyay Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo doorkiisii uu dalku kaga gudbay marxaladii kala guurka aheyd Doorashona ugu jiheystay.

Ugu danbeyna Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya la wadaagay masuuliyiinta iyo marti sharafta kale ee kulanka ka qeybgalay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online