Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku soo dhaweeyey Raisulwasaare Rooble.

July 7, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku so dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne ku xigeenalada, Xubnaha golaha Wasiirada, xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa Ka qeybgalay soo dhawaynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta iyo bulshada Jubaland.

—–Dhamaad—
Halgan.net

Comments are closed.