Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Hambalyo u diray ardayda ugu sarays Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare.

July 8, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda, ahna kusimaha madaxweynaha dawladda Puntland mudane Ahmed E. Osman Karaash , ayaa hambalyo u diray ardeyda dugsiyada sare ee Puntland gaar ahaan kuwooda kaalmaha hore galay.

“Hambalyo guud ahaan ardayda reer Puntland ee Sannadkan ka gudubtay Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare, gaar ahaan 10-ka Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka.
Dawladdu waxay dadaal gelisay sidii ardaydeedu ku heli lahaayeen Imtixaan siman oo si cadaalad ah loo diyaarshay,loona qaaday, iyada oo la raacayo Manhajka Waxabarasho ee u degsan.

Sidoo kale dawladda waxaa ka go’an in ardaydan ay uraadiso deeqo waxbarasho oo gudaha iyo dalka dibaddiisaba ah si kor loogu qaado tayadooda iyo hankooda waxbarasho.

Guul baan u rajaynayaa iyo Mustaqbal wanaagsan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland.

—-DHAMMAAD—–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,397 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>