Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka warbixiye dagaalo ay kula jiraan Al-shabaab.[Dhagayso]

July 19, 2021 - Written by Editor

Camaara:-Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya Ciidmaada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidmaada Gal-Mudug iyo kuwa Al-shabaab, deegaanada dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Bacaadweyn iyo Camaara.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Saraakiisha hogaaminaysa Ciidmaada Gal-Mudug ayaa saxaafadda u sheegay in ay Al-shabaab dhib badan u geysteen deegaanada Koonfurta Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyne iyo Camaara oo ay haysteen dadku uu ka barakacay wax horumar ahna aan ka jirin.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay shacabka Gal_mudug iyo Soomaali oo dhan in ay dagaal kala hortagaan Al-shabaab gacana lagu siiyo howl galka ay doonayaan in ay Koonfurta Gobolka Mudug uga sifeeyaan Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab oo in mudo ah gacanta ku hayey deegaanka Camaara.


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online