Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne Deni oo gaaray Kismaayo.[Video]

July 1, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta jubbada Hoose.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani iyo wafdi uu hogaaminayay.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda Dowlada Jubaland iyo Bulshada.

Masuuliyiinta ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac.

Safarka Madaxweynaha waxaa ka warbixiyey Af-hayeenka, Ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,886 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>