Xubno ka tirsan Al-shabaab oo dilal ka geystay Dhinaca Gal-Mudug ee Gaalkacyo oo Maxkamadda la keenay [Video]

July 5, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Waxaa maanta Maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka ee Puntland ee gobolka Mudug iyo Cayn la hor keenay xubno ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin amniyaadka ururka Al-shabaab oo dilalka iyo qaraxyada kale duwan ka fulin jiray magaalada Gaalkacyo gaar haan Dhinac maamulka Gal-Mudug.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee Wqooyiga iyo Koonfurta oo ay kala maamuleen Puntland iyo Gal-Mudug ayaa waxay noqdeen mid la dilo mid baad bixiya mid magaalada ka barakaca iyo mid gabida hoos u rogta cabsi darteed.

Magaalada Gaalkacyo waxay sanado badan la daala dhacaysay dilal qosheysan oo lagu laayey ilaa 200 oo qof oo isigu jira Issimo, Nabadoono, Cuqaal , Ganacsato, Saraakiil iyo shacab rayid ah waxaa dadaal dheer ka dib u suuro gashay laamaha amaanka ee magaalda Gaalkacyo ee Puntland in ay gacanta ku dhigaan in ka badan 65 xubnood oo ka tirsan amniyaadka urruka Al Shabaab kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo.

Warbaahinta Afmeer ayaa waxay ka sameysay baraamijyo lagu waraysiyo lagula yeeshay madaxdii ugu saraysay amniyaadka Al-shabaab oo 18 ka mid ah lagu toogtay Waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online