Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha dalalka Tansaaniya iyo Angoola.[Video]

August 31, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya Mudane John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Angoola Mudane Sianga Samuel Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, diblo maasiyadda iyo isu-socodka. Isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Angoola sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ee ay la leedahay dalalka kale ee Qaaradda.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online