Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada 2-da gole ee Gobollada Waqooyi

August 3, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online