Af-hayeenka Madaxtooyada oo ka hadlay Xanibaad loo geystay Agaasimihii hore NISA

September 17, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.

Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

DHAMMAAD

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online