Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Warsaxaafeed ka soo saaray xaaladda Soomaaliya

September 18, 2021 - Written by Editor

New York:-Xubnaha Golaha Amaanka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Soomaaliya ka dhageystay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud. Xubnaha Golaha Amaanku waxay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafka socda ee ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya iyo saameeynta taban ee uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Waxay ku boorriyeen dhammaan saamilleyda inay isxakameeyaan, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal sida ay ku jirto danta Soomaaliya ayna hortabinta siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan, lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey si waafaqsan heshiisyadii 17-kii Sebtembar iyo 27-kii Maajo.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah inay xaqiijiyaan in khilaaf kastoo siyaasadeed uusan ka weecin tallaabooyinkooda wadajira ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta ah.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale carrabka ku adkeeyeen xurmada ay u hayaan gobanimada, madax-bannaanida siyaasadeed, tan dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online