Golaha Wasiiradda XFS ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha Soomaaliya

September 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Wasiiradda XFS ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha Soomaaliya oo uu horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Adaan Macalin (Soomaali).
Ujeedada Hindise- Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha:
Wasaaradda Howlaha Guud iyadoo gudaneysa waajibkeeda shaqo ee kaga aadan xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxay ku talaabsatay sidii loo diyaarin lahaa Sharci Fasaxa dhismo loo dhan yahay.
Ujedkeed kiisuna yahay:
(a) Maareynta dhismooyinka si loo ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka dadweynaha.
(b) Dejinta Siyaasad hanaan sharciyeed lagu mideenayo sharciga dhismooyinka
dhismooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(c) Dejinta halbeegyo lagu yareynayo khataraha dhismooyinka ka imaan kara, sida liidasho farsamo, agabyada dhisamaha ee aan wanaagsaneyn, dumid dhismo, wax-yeeleyn noolol maalmeedka dadweynaha, fogeynta qashinka, iyo khataraha daadadka iyo nabaad guurka carrada.
(d) Dejinta hanaanka bixinta fasaxa dhismaha oo ay ku jiraan adeegsiga qaabab casri ah, sida e-permit.
(e) Dhiiragalinta maalgashiga gudaha iyo midka shisheeye ee dhismooyinka kaasoo u hoggaansan shuruucda, xeer nidaamiyaasha iyo halbeegyada quseeya arrimaha qorsheynta, ka faaiideysiga dhulka iyo deegaanka.
(f) Hirgelinta nidaam mideysan oo lagu maareynayo dhismooyinka dalka iyo bixinta ruqsadaha fasaxa dhismaha.
(g) Horumarinta dhismooyin wax tar u leh dadka iyo deegaanka.
(h) Ilaalinta iyo tixgalinta dadka baahyaha gaar ah qaba ee habka dhismaha.
(i) La qabsiga isbedela cimilada aduunka qaababka dhismooyinka.
(j) Ilaalinta dhismooyinka taariikhiga ah.

Faa’idada Hindise – sharciyeedka Fasaxa Dhismaha:-
(1) Siyaasadaan waxay wax weyn ka badalaysaa baahida habraaca iyo fasaxa dhismo ee dalka ka jira, waxay tayeynaysaa adeegyada bulsho mid dhaqaale iyo waxqabadka xukuumada heerar keeda iyo laamaheeda kala duwan ee u kala baxan:-

a. Heer Federaal
b. Heer Dowlad Goboleed
c. Heer Dowlad Hoose
(2) Hindisahaan sharci waxa uu nidaaminayaa habraacyada iyo fasaxa dhismo ee farsamo ahaan loo baahan yahay iyo heerka darajo maamul ee uu dalka u bahaan yahay.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online