Madaxweynaha Dowladda Puntland oo qaabilay Wafdi ka socda Beesha caalamka.[Masawiro/Video]

September 26, 2021 - Written by Editor

Garoowe: 26 September 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde .

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

“Wuxuu ahaa kulan muhim ahaa oo kusoo aaday wakhti ku haboon, marxaladda cusub ee Puntland gashay oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u dareertay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland Dowladd iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya sida amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wakiillada Beesha Caalamka ay si qota dheer uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada Soomaaliya.

“Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online