Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium.[Video/Masawiro]

September 8, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarigga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium oo si casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyayay dhismaha Garoonka Cawaale Stadium, Wuxuuna khudbadiisii ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee qabsoomtay oo lagu dhisay Garoonka, isagoo u mahadceliyey Guddiga dhismaha Garoonka iyo Cidkasta oo ka qeyb qaadatay.

Madaxweyne Deni oo ka jawaabaya codsiga Guddiga dhismaha garoonka Cawaale Stadium, ayaa ballan qaaday in Dowladdu bixinayso dhammaan daymaha lagu leeyahay Garoonka ee ku baxday dhismihiisa.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay muhiimada ay dadka Soomaaliyeed u leedahay nabada iyo horumarka Gobolka Mudug, isagoo sheegay in soo kabashada Gobolka Mudug aytahay soo kabashada dalka Soomaaliya, taasi oo ay qeyb ka tahay isdhexgalka Bulsho iyo nabada kajirta Gobolka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay horumarka laga gaaray Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay masuuliyiintii wadajir uga shaqeeyay Amniga ee soo afjaray kooxaha argagixisada ahaa ee Gobolka dhibaatada ku hayey.

Munaasabadda xarig jarka Cawaale Stadium waxaa ka qeybgalay, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Masuuliyiintan Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, Isimada, kooxaha kubadda cagta ee Gobolka Mudug, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee guud ahaan Bulshada Gobolka Mudug.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online