Madaxweyne Deni oo la kulmay Wasiiro , Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Gal-Mudug.[Masawiro]

September 8, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Dowladda Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug.

Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga oo si wanaagsan looga shaqeeyay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Mudane Xassan Shire Cabdi.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online