Madaxweyne Deni oo u magacaabay gudoomiye iyo ku xigeen degmada Qardho

September 13, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho
2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho.
3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

256,857 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>