Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo dhaggax dhigay waddada isku xirta Jalam iyo degmada Xarfo.[Masawiro/Video]
September 15, 2021 - Written by EditorBuurtinle:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo maanta ku tegey Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa dhaggax dhigay Mashruuca dib-u-dhiska waddada isku xirta magaalada Jalam iyo degmada Xarfo.
Mashruuca dib-u-dhiska Waddada Jalam-Xarfo waxaa iska kaashanaya Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, wejiga koowaad ee la dhisaya waa 65KM taasi oo qorshuhu yahay in lagu dhameystiro muddo 8Bilood ah .
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay muhiimada ay wadadan u leedahay isku xirka Gobolada Puntland, wuxuuna kormeeray Shirkadda dhiseysa isagoo warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Masuuliyiinta gacanta ku haynaya dhismaha wadada inta uu socdo.
[ngg src=”galleries” ids=”3832″ display=”basic_thumbnail”]DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

.gif)

