PL oo heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Kebarco oo ka mid ah shirkadaha ka hawlgala Deegaanada Puntland.

September 19, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane, Axmed Bashiir Muuse ( Cirro) oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL Mudane, Xassan Shire Abgaal ayaa heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Ceeldaahir iyo Kebarco oo ka mid ah shirkadaha ka hawlgala Deegaanada Puntland.

Heshiiska Dawladda Puntland iyo shirkadaha Wasaaradda Qorsheynta, Wasiir ku xigeenka Iyo Wasiiru Dawlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.
Heshiiska shirkadaha lala galay ayaa salka ku haya dib u dayactirka Waddooyinka kala ah.
1- Waddada Midi-gar.
2- Buundada Qayaadsame
3- Waddada kalabayr Boosaaso Iyo sideed Buundo oo u dhexeeya Garoowe iyo birta dheer.
Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ay ka go’an tahay dib u dhiska Waddooyinka, shaqadaan maanta la qabtayna ay ka mid tahay balanqadkii Madaxweynaha.
Dawladda Puntland ayaa bixisay dhammaan lacagihii lagu bilaabayey dhismaha Waddooyinkan oo ay Dawladdu ku wareejisay shirkadaha ka hawl galaya.
Saddex cishe ka dib ayaa sidaan oo kale loo saxiixi doona heshiiska waddada Falayryaale iyo Garoowe oo dib u dhis lagu samaynayo.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online