Ra’iisul Wasaaraha XFS oo amar dul dhigay Wasaarada Maaliyada

September 12, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu amaray in aan wax lacag ah laga bixin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan wax ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya wareegtada ka soo baxday waxaa wasaaarada maaliyada la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

256,854 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>