Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.[Masawiro]

September 16, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, kaas oo looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed

Dhinac kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wasiirka horumarinta Sweden Per Olsson Fridh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka dalka. Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka cusub ee Sweden u fadhiya Soomaaliya oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online