Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya.[Masawiro]

September 20, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya @KFosterFCDO oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa kala qeyb galay Wasiirka cusub ee Amniga Mudane Abdullahi Mohamed Nur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee RW Roble.

Dhinac kale iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online