Twitter-ka NISA oo lagu sheegay in xilka agaasimaha uu la wareegay Yaasiin Farey

September 8, 2021 - Written by Editor

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggida Qaranka ayaa lagu sheegay in xilka agaasimaha uu la wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo, waxaana xilkaas hore u hayay Fahad Yaasiin.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Twitter-ka NISA

Ma cadda, haddii qoraalka Twitter-ka lasoo dhigay uu ka tarjumayo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta xarunta NISA.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horyimid magacaabistii taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.

Qoraal rasmi ah oo uu saasaray Rooble ayuu sidoo kale ku amray Sarreeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo uu shalay xilka sii-hayaha NISA u magacaabay inuu si ‘degdeg’ ah u bilaabo shaqadiisa.

Ilo wareedyo ayaa VOA u xaqiijiyay inuu jiro qorshe uu galinka dambe ee maanta xarunta NISA ay ku tagi doono Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sarreeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac.

Wixii war ah ee ku soo kordha wararka la xiriira NISA halkan ayaad kala socon doontaan.

VOA

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online