Golaha Wasiirada Jubbaland oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka (VIDEO)

October 20, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlada Jubaland oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayay golahu dood dheer ka yeesheen miisaaniyada sanadka oo ay soo gudbisay Wasaarada maaliyada.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed, ayaa golaha la wadaagay hormarka dhinaca wax soo saarka iyo dib u dhiska dhinaca dhaqaalaha ah kaas oo wax badan ka badali doona xaalada deegaanka sanadaha soo socda.

———— Dhamaad—-

Comments are closed.